Waa maxay “Thrive by Five Washington”?
Thrive by Five Washington waa shuraako ka dhexaysa dawladda iyo hay’ado gaar ah lana abuuray 2006dii iyada oo ay hoggaaminayaan madaax ka tirsan waxbarashada, dawladda iyo meheradaha. Annagu waxaan u heellan nahay in ilmo kastaa haysto fursad u ku magoolo illaa wakhtiga ay noqonayan da'da shan jirka.
Laakiin si arrintaasi ay u fusho, gobolka dawladda Washington waa in u ku kacaa wax ka duwan wixii horay u qabtay sidii haddaba loo taageeri lahaa carruurta yar-yar iyo qoysaskooda. Waa inaan hubino in qoysaska u baahan daryeelka ilmahu helaan daryeel xannaanayn, ammaan iyo tayo-sare leh oo la goyn karo. Waa inaan diyaar ka dhigno si dhammaan qoysasku ku helaan si sahlan macluumaad iyo kheyraadka ku saabsan kobaca cafimaad ee carruurta yar-yar, oo la goyn karo, si fududna loo isticmaali karo. Waxa kale oo loo baahanyahay inaan ku kacno wada shaqeyn ka sii wanaagsan sidii hore.
Haddaba waa kaalintaas meesha Thrive by Five Washington ay ka soo galeyso. Waxaan isku keenaa dadka, kheyraadka, iyo barnaamijyada la xaqiijiyey hirgalkooda iyo ku dhaqannadooda – dhammaan gobolka iyo adduunka oo idil – sidii wax looga qaban lahaa abuuritaanka taageerooyinka, adeegyada iyo nidaamka baahida qoysaska Washington ee waxbarsahda horraanta ah. Wax kasta oo awooddayda ahna waliba waan u qabanaa sidii aan u gudbinno hadalkeeda oo an u taageernno muhiimadda ay leedahay waxbarashada ilmuhu helo waxa u dhexeeya dhalashada iyo da’ada 5 sano.
Carruurtu waxay bilaabaan wax barashada isla markaaba markay dhashaan.
Wajiga sida aad dhaqdhaajiso, taabashadaada, codkaaga – wax kasta oo aad qabato ama tiraahdo – ayaa ilmahaaga ka caawinaya in u waxbarto. Daryeelkaaga jacaylka ama kalcaylka badan ayaa saamayn ku leh kobcitaanka ilmahaaga, oo ay ka midka yihiin sida ilmuhu shucuurtiisa u muujiyo, iyo sida u ugu guuleysto la xiriirika dadka kale, iyo farxadda iyo baadi-goobka waxbarashada.
Marka ay carruurtu gaaraan da’da 6 sano, ayaa maskaxdoodu ay tahay le’ekaansha boqolkiiba 90 maskaxda kofka qaan-gaarka ah. Wakhti kale oo nolosha ilmahaagu jiro maskaxdiisu u sidaa deg-deg u ugu korayo ma jirto. Maalin kasta waxaad ilmahaaga uga caawin kartaa in siyaabo caafimaad qab leh uu ku koro. Marka carruurtu ammaan iyo jacayl dareemaan, ayaa taasi xoojisaa isku xirnaanta ay adiga kula leeyihiin oo ay kaa caawineysaa iyagu inay dhinac kastaba ka koraan.
Siyaabaha aad uga caawin karto had iyo jeer in ilmahaagu waxbarto:
- U beddel dhacdooyinka maalin kasta qaar waxbarasho leh. Ka dhig adeegsiga dukaanka mid ciyaar waxbarasho leh adiga oo u tilmaamaya qaababka iyo midabyada, iyo adiga oo u oggolaanaya in ilmuhu kala tilmaamo khudaarta miraha ah.
- U isticmaal wakhtiga wax la cunayo sidii u ilmahaagu uu u baran lahaa dareennada-taabasho, midabyada iyo dhadhan-nada. Marka aad wax cunsiineyso ilmahaaga, kala hadal cuntada iyo sida loo dareemi karo, sida ay u egtahay iyo sida ay dhadhameyso.
- Tusaale u noqo ilmahaaga sida habboon ee wax loo dhegeyso iyo xirfadaha wada shekeysiga. Ilmahaagu ha ogaado in wixii adiga u kuu sheegayaa kuu yahay adiga muhiim, isla markaa adiga oo ilmaha si fiican u dhageysanaya oo uga jawaabaya su’aalihiisa.
- Ka caawi ilmahaaga in u barto shucuur wadaagga adiga oo tusaale u noqonaya oo la wadaagyada shucuurta marka ilmuhu u niyad xun-yahay. Dhabarka u salaax, laabta laabta ugu qabo, dhegeyso isaga oo u sheeg inaad fahansan tahay.
- Markaad u akhriyeyso buugaagta, ka sheekee dadka sheekada ku jira iyo dareenkooda. Mar adigu dareenkaas oo kale aad lahayd sheekadeeda la wadaag ilmaha. Tani waxay ka caawimeysa in u fahmo ilmuhu si uu u soo gudbiyo shucuurtiisa.
Markaad buugaagta iyo sheekooyinka ilmahaaga laga soo bilaabo dhalashada, waxaad xoojineysaa isku dhawaadkiinna iyo waliba ka caawinta ilmahaaga waxbarashadaada…
- Isku-soo dhawaada oo wadaaga buugaagta maalin kasta.
- Farta ku fiiq sawirrada oo weydii ilmahaaga su’aalo.
- Isticmaal codad ciyaar iska yeel-yeelaya shaqsiyaadka ku jira (buugga ama sheekada).
- Ilmuhu ha kuu sheego sheekada.
- Heesa heeso oo wada ciyaara ciyaaro qaafiyad leh.
- Wada feegara, sawira oo wax wada qora.
- La wadaag ilmahaaga sheekooyin ku saabsan markaad adigu yarayd.
Kheyraadka u jira Waalidiinta iyo Daryeel-bixiyeyaasha
Waalidiintu waa macallimiinta, daryeel-bixiyeyaasha iyo go’aamiyeyaasha ugu horreya ee ugu muhiimsan. Sannadaha ugu horreeya, carruurtu waxay wax ku bartaan badiyaa wada xiriiryada iyaga oo waddeeda maraya. Waalidiinta, awowga iyo ayeyda, asxaabta iyo jaarka ayaa muhiim u ah inay abuuraan isdhexgal qiime leh oo ilmuhu dareemo ammaan, in la jecelyahay, in la qaddarinayo iyo in laga filayo ina u wax barto. Kheyraadka hoosta ku liis gareysan ayaa ku siinaya tilmaamo waxtar leh oo ka caawinaya waalidiinta iyo daryeel-bixiyeyaasha inay u fidiyaan ilmo kasta nolol bilow aad u wanaagsan leh.
Beelaha Thrive ayaa ku shuraako noqosho loogu talagalay inay u noqoto tusaale laga shidaal qaato sidii beeshu mowqaf wax ka qabasho wadajir ah ay uga qaadan lahayd waxbarashada hoorraanta ahi ay horumarin ugu samayn lahayd kobaca carruurta dhasha illaa 5 jirka ah iyo u diyaar-ahaanta inay galaan dugsi.
Markay ahayd 2006, White Center (Xarunta White), oo ku taal koonfurta Seattle, iyo bariga Yakima ayaa loo doortay inay noqdaan Beelaha Thrive sababta oo ah iyaga oo leh hoggaan adag, dadyow kala duwan, le’ekaanshaha iyo iyo u heellanaanata beesha inay horumariso waxbarashada horraanta ah.
Beel kasta ayaa soo saari doonta barnaamijyo isdaba-socda oo loogu talagalay carruurta dhasha illaa 5 jirka ah, waalidiintooda iyo daryeel-bixiyeyaasha. Adeegyada iyo barnaamijyada la bixin doono qaarkood waxa ka mid ah booqashada guri ee qoysaska dhalashada ilmaha sugaya, kooxaha ciyaar-oo-baro ee loogu talagalay carruurta socod-baradka ah; kheyraadka loogu talagalay inay taageeraan kobaca luqadda iyo wax qorka iyo akhriska; waxqabadyada waalidnimada; iyo barnaamij marxaladda u kala guurka kindergarten-ka.
Si wax dheeraad ah aad uga ogaato Thrive Demonstration Communities (Beelaha Thrive), booqo xiriiryada soo socda:
- WHITE CENTER (XARUNTA WHITE): Horseedka Waxbarashada Horraanta ah ee White Center
- BARIGA YAKIMA: Ready by Five (Ku Diyaar Hhaanta Shanta)
U Diyaar ahaanta Dugsi: Sannad kasta, waxa ka badan 80,000 oo carruur ah oo ku nool Gobolka Washington ayaa gasha kindergarten-ka. Waa tallaabo weyn oo wakhti xiiso u leh carruurta iyo qoysaska. Kolba marka u ilmahaagu ku soo dhawaado bilaabitaanka dugsiga, waxaad had iyo jeer maqleysaa kelmadaha “u diyaar ahaanta dugsi” “u diyaar ahaanta waxbarashada” ama “u diyaar ahaanta xirfadaha.”
Carruurta “diyaarka” ah ayaa leh xirfado iyo macluumaad gaar ah oo ka caawiya inay ku guuleystaan dugsiga. Iyagu…
- wey jecel yihiin waxbarashada
- karti ayey u leeyihiin inay wax la qabsadaan dadka kale
- wey yaqaaniin buugaagta, waraaqaha la isku qoro, codadka, qaababka, midabyada iyo tirooyinka
- wey fuliyaan waxyaabaha ay u baahan yihiin, oo ay ka midka yihiin sida koodhka loo gashado
- wey raacaan tilmaamaha fudud
- wey fuliyaan waxqabayada illaa 15 daqiiqo ama wax ka badan iyaaga shaqada ku jira
- wey sameeyaan waxqabayada weyn ama yar ee muruqa u baahan, ee ay ka midka yihiin wax ku goynta maqaska ama wadashada biskileetka saddex-shaaglaha ah.
Laakiin u diyaar ahaanta dugsigu waa wax ka badan kaliya ilmaha shaqsiga ahi diyaar inuu yahay in kale. Dad badan ayey mas’uuliyadi ka saaran tahay inay hubiyaan in carruurtu galaan kindergarten-ka iyaga oo u diyaar ah inay guuleystaan.
Thrive by Five Washington iyo shuraakadayada shacab, waaxda gobolka ee Waxbarashada Horreysa iyo Xafiiska Maareeyaha Wax-u-Dhigitaanka dadweynaha, ayaa aamminsan in in isle’egta u diyaar ahaanta kindergarten-ku yahay:
Carruur diyaar ah + Dugsiyo diyaar ah + Waalidiin iyo qoysas diyaar ah + Beelo diyaar ah = GUUL
Ka ogow wax dheeraad ah arrimaha ku saabsan diyaar ahaanta dugsi iyo waxaad ka qaban karto ku dhiirri-galinta waxbarashada horraanta ah ee carruurta siyaabo fudud maalin kasta iyo sidii aad uga caawin lahayd iyagu inay diyaar u noqdaan inay bilaabaan dugsi…
Asaaska Waxbarashada Horraanta ah: U Diyaar Ahaanta Dugsi waa hage loogu talagalay waalidiinta, qoysaska iyo daryeel-bixiyeyaasha.
Taageerada waalidiinta iyo doorashada daryeelka ilmaha
Kheyraadka Daryeelka Ilmaha (CCR)
CCR ayaa ka caawisa qoysaska xaaladaha adag ku jira inay jawaabo u helaan su’aalaha ku saabsan daryeelka ilmaha. Waalidiinta shaqeeya galabtii ama Sabtida iyo Axadda, carruuurta baahida gaarka leh, qoysaska la halgamaya maareynta kharashka daryeelka iyo qoysaska guri-la’aantu hayso ayaa dhammantood ka heli kara macluumaad, u-diritaanka iyo caawin buuxda ama gooni qofka loo siiyo.
|
Waxbarashada Horraanta Carruurnimada iyo Barnaamijka Caawinta (ECEAP)
ECEAP waa barnaamij dhammaystiran oo dugsiga caadiga ka horreeya oo siiya adeegyo iyo taageero carruurta iyo qoysaska u qalma, oo ay ku jiraan waxbarashada dugsiga caadiga ka horreeya; taageerad qoyska iyo ka qayb qaadashada waalidka; isu-duwidda caafimaadka iyo nafaqada ilmaha. Carruurta waa laga aqbalaa ECEAP iyada oo ku salyesan da’da, dakhliga qoyska, ama sababo kale oo sheegaya inay ka faa’iideysanayaan waxbarashada, taageerada qoyska, adeegyada caafimaad. Foomka Isqoritaanka ECEAP
|
|
Caafimaadka iyo Ammaanka Ilmaha
MedlinePlus
Adeegga Maktabadda Qaran ee Daawada Mareykan iyo Machadyada Caafimaadka ee Qaranka
|
|